Sign in to follow this  
Deeq A.

20 qof oo ku dhaawacmay hoobiyeyaal ku dhacay Xamarjajab + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay ku dhacay xaafado ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kuwaas oo geystay khasaare u badan dhaawacyo.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 5 madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah oo uu khasaare kasoo gaaray, xilli ay hurdayeen.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, waxaa dhacdadaan ku dhaawacmay illaa 20 qof oo u badan dad isku qoys ah.

Sidoo kale waxaa dadka dhaawacmay ka mid ah lamaane aroos ah, hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay iyo dad kale, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Booliska oo ku aadan dhacdadaasi.

Weerarkaan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ahaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo soo billowday fiidkii hore ee xalay.

The post 20 qof oo ku dhaawacmay hoobiyeyaal ku dhacay Xamarjajab + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this