Deeq A. Posted August 20, 2022 Dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabaab uga digtay in aysan carqaladeyn gargaarka banii’aadanimo ee loo wado dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa Al-shabaab uga digay in aysan carqaladeyn gargaarka la gaarsiinayo dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan degaannada kooxdaas maamulaan. “Waxaan rabbaa inaan uga digo in aysan carqaladeyn deeqaha ku socda deegaanada gacantooda ku imtixaanan in ay ka wareegaan deeqdaas oo la gaarsiinayo dadka u baahan” ayuu yiri wasiir Ahmed Macalin Fiqi. Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay barakaca dalka ka jira ay sabab u yihiin Al-Shabaab maadaama ay dagaallo ka wadaan gudaha dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo digniin u jeedisay Al-shabaab appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites