Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Hooyo iyo carruur ay dhashay oo ku dhintay hoobiyaal ku dhacay gurigooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar kale oo khasaare xooggan geystay ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan degmada Xamar-jajab oo ay ku nool yihiin dad rayid ah.

Goob-joogayaal ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in hoobiyaasha ay ku habsadeen guryo ay deganaayeen dad shacab ah islamarkaana khasaare xooggan ka dhashay.

Hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kadib markii hoobiye ku habsaday gurigooda sidoo kalena uu dhaawac culus yahay odaygii reerka.

Ilaa 20 qof oo isku qoys ayaa sidoo kale  dhaawacyo ka soo gaareen hoobiyaasha lagu garaacay guryahooda sida ay warbaahintu ka soo xigatay goob-joogayaasha.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Hooyo iyo carruur ay dhashay oo ku dhintay hoobiyaal ku dhacay gurigooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this