Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalooyinka Qardho iyo Dhahar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka ku wajahan magaalada Qardho halkaas oo lagu wado in uu uga sii gudbo degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan.

Mas’uuliyiin kala duwan oo hordhac u ah safarka madaxweyne Deni ayaa hadda ku sugan magaalada Dhahar waxaana ay la kulmeen hoggaanka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaas.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu degmada Dhahar ka dhagax-dhigo mashaariic horumarineed sidoo kalena u kuur-galo xaaladda bulshada ku dhaqan magaalada Dhahar.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo hoggaanka dhaqanka degmada Dhahar oo uu hoggaaminayo suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalooyinka Qardho iyo Dhahar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this