Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Hotel Hayaat

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onine) – Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Faahfaahin hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Hotel Hayaat oo ku yaal Isgoyska Km4.

Sida ay dab goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen, rasaas culus ayaa laga dhex maqlayaa Hotelka dhexdiisa, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Lama ogo tirada dabeyda Al-Shabaab ka tirsan ee weerarka soo qaaday, illaa haddana lama helin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gurmad ahaa ayaa iyagana waxaa qarax lagu eegtay meel u dhow xarunta dambi baarista ee CID, waxaana lasoo sheegayaa inay qaraxaas ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa dagan saraakiil ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid yihiin xildhibaano.

Wixii faahfaahin ah kala soco caasimadda Online

The post Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Hotel Hayaat appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this