Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka BF oo war cusub ka soo kulankii Farmaajo lagu dhaari lahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada u diray fariin loogu sheegayo inuu baaqday kulankii berri loo balansanaa, kaas oo la doonayey in lagu dhaariyo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoonku ma shaacin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo kulanka golaha, balse waxaa qoraalka lagu xusay in sababo ay jiraan, waxaana kulankaas loo bedalay maalinta Axada ah.

Fariinta loo diray xildhibaanada ayaa lagu yiri, “Xildhibaano, arrimo jira awgeed ,Shirkii bari loo balansanaa, waxaa dib loogu dhigey maalinta Axada oo taariikhdu tahay 21 August.”

Ajendayaasha loo qorsheeyey kulanka baaqday waxaa ka mid ahaa in Farmaajo loo dhaari lahaa xubin ka tirsan golaha shacabka, kursigaan ayaa ah xubin sharafeed uu Farmaajo ku helay xilkii madaxweynaha ee dalka uu ka soo qabtay.

Inkastoo guddoonka golaha shacabka uusan shaacin sababta loo baajiyey kulankii golaha ee berri, hadana waxaa xusid mudan in caawa uu weerar toos ah ka socdo Hotelka Hayat oo ku yaalla isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaalyahano hubeysan ay gudaha u galeen.

The post Guddoonka BF oo war cusub ka soo kulankii Farmaajo lagu dhaari lahaa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this