Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Maamulayaasha dugsiyada iyo Waalidiinta oo soo dhoweeyay Manhajka cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa maanta la kulantay maamulayaasha iyo waaliddiinta dugsiyada xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa culumada oo iyagana fikirkooda ka dhiibtay dadaallada socda ee kor loogu qaadayo manhajka dugsiyada sare.

Dhammaan culimada, waaliddiinta, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Garoowe waxay soo dhaweeyeen buugaagta dugsiyada sare ee Puntland iyo faa’iidada ay u leedahay ardayda Puntland iyo shirkadda soo dabacday buugta uuna waqti fiican ku soo beegmay.
Maaddaama sannadkan imtixaanka fasalka afraad laga diyaarinayo buugtan, waa inay ardayda fasalka 4aad ee dugsiga sare ay awoodda saaraan wax akhriska iyo fahanka buugaagta.

Bulshada ku dhaqan degmada Garoowe ayaa u mahadcelisay madaxwaynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani qiimo dhimista uu sameeyey bugaagta dugsiysida sare ee Puntland iyagoo codkoodii ka soo jawaabay.

Hadaba, manhajkan oo diyaarintiisa la bilaabay sannad ka hor ayaa waxaa diyaariyey aqoonyahanno u dhalatay deegaanka, islamarkaana aqoon dheeri ah u leh maaddooyinka kala duwan ee dugsiyada sare ee Puntland.

Buugaagta dugsiyada sare ee Puntland ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada iyo ganacsatada reer Puntland.

IMG-20220819-WA0066-1.jpg?resize=1000%2C IMG-20220819-WA0067.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0053.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0061.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0060.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0059.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0048.jpg?resize=840%2C560 IMG-20220819-WA0047.jpg?resize=840%2C560 IMG-20220819-WA0037.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0036.jpg?resize=840%2C560 IMG-20220819-WA0024.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0016.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0014.jpg?resize=840%2C560 IMG-20220819-WA0013.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0010.jpg?resize=840%2C472 IMG-20220819-WA0009.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0005.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20220819-WA0002.jpg?resize=840%2C472

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Maamulayaasha dugsiyada iyo Waalidiinta oo soo dhoweeyay Manhajka cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this