Deeq A. Posted August 19, 2022 Alle ha u naxariistee, Abwaankii weeynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta galimkii dambe lagu aasay xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa. Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxda xisbiyada mucaaradka, odayaasha dhaqanka, ehellada marxuumka, bahda fanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ka qayb-gashay aaska Marxuum Abwaan Hadraawi. Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa shalay ku geeriyooday isbitaalka Weyn ee Hargaysa. PUNTLAND POST The post Marxuum Hadraawi oo lagu aasay Hargeysa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites