Deeq A. Posted August 19, 2022 Allah unaxariistee Abwaankii Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaas oo uu marxuuku ku geeriyooday maalinimadii Shalay. Madaxda ugu sareysa Somaliland shacabka iyo culimaauudiinka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Aaska qaran ee loo sameynayo, waxaana la aasi doonaa saaladda Casir kadib, iyadoo lagu aasi doono habaalaha Baqiic. Allah unaxariistee marxuumka ayaa magaalada Burco ee Togtheer ku dhashay sanadkii 1943-kii, waxaana muddoonkii dambe uu ku noolaa halkaas, ka hor inta aan la dhigin isbitaalka uu shalay ku geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites