Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu DAVID Beasley u ballan-qaaday DF kaddib kulankii Xasan? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaalada ay dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg-dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP.

Waxa uu xusay in mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.

“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”

Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa dhankiisa ballan-qaadday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunna-yarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaaga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maal-gashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.”

Kulankaan ayaa imanaya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu isla shalay wareegto madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka kooban 5 xubnood, isaga oo ka duulaya codsigii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
299914266_450968893740922_43460382426273 300306322_450968913740920_39461908306268 Xasan-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 299998528_450968873740924_20932061001877 300304702_450968907074254_47488752137378 299994234_450968890407589_25236820235413 300260886_450974433740368_36785351091896

The post Muxuu DAVID Beasley u ballan-qaaday DF kaddib kulankii Xasan? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this