Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ku guulaysatay hoggaanka guddiga Caafimaadka CDC ee Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku  guuleystay  hoggaanka guddiga Africa ee CDC ee heerka wasaaradeed isla markaanna ay xubno ka yihiin waddamo badan oo Africa ah , kadib tartan adag iyo olole xooggan oo dhowaan ka dhacay dalka Tansaaniya.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Xasan Maxamed (Buraale] oo Soomaaliya  ku matalayay Shirka lagu dooranayay hoggaanka cusub ayaa laga soo xigtay in wasaaraddu dadaal adag u martay hoggaanka guddigaas.

Guddigan heer wasaaradeed ah ee Africa , waa hay’ad farsamo oo Midowga africa u qaabbilsan inay ka caawiso dawladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku ogaanayaan, qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka bulshada.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ku guulaysatay hoggaanka guddiga Caafimaadka CDC ee Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this