Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo farriin culus soo saaray kadib kulanka guddigii uu magacaabay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulankii ugu horreeyey maanta la yeeshay guddiga heer Qaran ee gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka duulaya baahida loo qabo dardar-gelinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixino ka dhageystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Warfaafinta iyo Wasiirka Bay’ada.

Wasaaradaha ayaa waxay soo bandhigeen doorka ay wasaarad walba ku leedahay arrimaha gurmadka abaaraha, ee ka socda dalka.

Xoghayaha guddiga gurmadka ahna Maareyaha Xarunta Qaran ee Hawlgalada Degdega ah (NEOC) ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin iyo xog faah-faahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta iyo tallooyin ku aaddan qaabka looga hortago abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray in howlaha gurmadka la dardar-geliyo, maadaama  ay abaaruhu yihiin kuwo ka sii daraya, dadka ay saameeyeena ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, intii kaalmo shisheeye la sugi lahaana ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed ay dhex dooda is garab siiyaan.

Kulankaan ayaa imanaya kadib shir deg deg ah oo xalay ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabay guddi ka kooban 16 hey’adood oo 12 ka mid ah ay wasiirro yihiin.

Guddigaan ayaa loo xil saaray gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya waxaa qeyb ka ah Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xamza-5.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 299865253_415821133980372_21700573452396 Saalax-1.jpeg?resize=696%2C557&ssl=1 300030291_415821090647043_46340625836657 300089670_415821113980374_42433484820222 300144541_415821023980383_63902313726570

The post Xamza oo farriin culus soo saaray kadib kulanka guddigii uu magacaabay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this