Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo kormeeray Taliska Booliiska

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1660734017980.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Guddoomiyaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duman ee xafiisyada Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Taliska Hoggaanka Ciidanka, Isgaarsiinta, Dambi-baarista, Xiriirka Dadweynaha, Taliska Qeybta, Gaadiidka Booliska, Ciidanka SPU, Taliska BOL-Birmad iyo Xarunta guud ee Taliska Booliska Puntland halkaas oo ay ku soo dhaweeyn Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliye ku-xigeenka S/Guuto Caydiid Ahmed Nuur iyo Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Booliska Puntland G/Sare Cabdifitaax Axmed Xuseen ( Aftaag).

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa mid mid u wareystay dhammaan saraakiisha Xafiisyada uu booqday, isaga oo balan-qaaday dayactirka iyo Qalabeynta Taliska Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqa Aaadanaha Booliska Puntland, kadib codsi ay u soo gudbiyeen saraakiisha Hoggaankaas intii uu kormeerka ku jiray.

Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska, waxaana uu ka dhegaystay warbixino la xiriirta dhammaan shaqooyinka socda, qorshayaasha iyo caqabadaha jira, Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay Amniga dalka, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarineed ee Booliska.

Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan Booliska ee sugida Amniga, isaga oo kula dar-daarmay gudashada waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta sugida amniga.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo kormeeray Taliska Booliiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this