Sign in to follow this  
Deeq A.

Seddex cashir oo laga bartay dib usoo celinta darajadii ciidanimo ee Saadaq Joon

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dib darajadiisa ciidanimada iyo dhammaan xuquuqdiisii sarkaalnimo usoo celuyey General Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sarkaalkaan oo hadda xildhibaan ah wuxuu dib ugu helay garaadihiisii iyo wixii uu dowladnimada kaga heli lahaa darajadaas.

Ninkaan oo ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkii 2021 wuxuu noqday sarkaalkii koowaad ee u baareeray inuu hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo, balse madaxweynaha xafiiska baneeyey oo arrintaasi ka carooday ayaa Saadaq Joon isugu daray xil ka qaadis, ka xayuubin darajadii ciidanimada iyo joojinta dhammaan wixii uu xaqqa u lahaa sarkaalkaan.

Hal sano iyo 3 bilood kadib, Saadaq Joon hadda waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu qeyb ka noqday isbadalkii lagu bixiyey Farmaajo, wuxuuna  dib u helay darajadiisii ciidanimada iyo xuquuqdiisii.

Haddaba maxaa laga baran karaa dhacdadaan

  1. Macnaha go’aanada xilliga adag

Inaad waqti adag u bareerto diidmada tallaabo sharci darro ah oo ay madaxdaadu ku dhaqaaqday ma ahan mid sahlan, waxaad quureysaa naftaada, xilkaaga iyo aqbalidda wax walba oo falcelin ah oo ka dhasha arrintaasi.

Laakiin sida diiwaanka ku xusan dad badan oo iska diiday inay madaxda u qasbaan shacabka waxay ka dhaxleen sharaf iyo maamuus dambe.

Saadaq Joon wuxuu ku biiray kuwa heysta diiwaankaas wanaagsan, wuxuuna  tusaale u noqon doonaa saraakiil badan oo laga yaabo inay ku timaado xaaladaan oo kale.

  1. Inusuan mas’uul dambe u bareerin darajo ka xayuubin daneysi ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu darajada ka xayuubiyey dhowr sarkaal oo ka biyo diiday inay rabitaan shaqsi ah meel mariyaan, waxay u aheyd mid kamid ah  ciqaabadaha ugu waaweyn oo ay kula kacaan saraakiisha.

Inay Maanta bilaabatay darajo usoo celinta saraakiishaas waxay farriin u tahay mas’uul walba oo isku daya inuu askarta qab jabiyo ficilkaan.

Hoggaamiye kasta oo taga Villa Somalia oo isku daya inuu dabaqo dhaqanka darajo ka xayuubinta siyaasadeysan waxaa maanta usii sawiran inuu sarkaalku berri dib u heli doono darajadiisa, waxaana la aaminsan yahay in madaxdu aysan waqti dambe isaga lumin doonin arrintaan.

  1. Difaaca sharciga

Tallaabadii uu madaxweyne Xasan Shiikh dib garaadishiisa ugu soo celiyey General Saadaq Joon waxay ka dhigan tahay in la difaacay sharciga dalka oo xaaraantinimeynayo in madaxda dantooda shaqsiga ah u isticmaalaan awoodda dowladeed ee lagu aaminay.

Sidoo kale waxay dhiiragelin u tahay askarta kale ee berri la kulmi kara xaaladaan oo kale. Talaabada uu madaxweynaha qaaday oo si weyn loo bogaadiyey waxaa dhinaca kale barbar socota waydiin la xiriirta xaaladda General Cabdalla Cabdalla oo ah qofkii ugu horeeyey oo uu Farmaajo ka xayuubiyo darajadiisa kadib markii uu maxkamadda ciidamada u gudbiyey dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

Dad badan ayaa madaxweyne Xasan Shiikh ugu baaqay inuu sidoo kale General Cabdalla Cabdalla usoo celiyo darajadiisa.

The post Seddex cashir oo laga bartay dib usoo celinta darajadii ciidanimo ee Saadaq Joon appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this