Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka ugu taajirsan Adduunka oo sheegay in uu iibsanayo naadiga Manchester United

Recommended Posts

Deeq A.   
2-7.jpg?resize=1000%2C1000&ssl=1

Elon Musk, oo ah qofka ugu taajirsan adduunka, ayaa Talaadadii bartiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu iibsanayo kooxda kubadda cagta Manchester United.

“Waxaan iibsanayaa Manchester United soo dhawoow,” ayuu Elon Musk ku yiri qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka

Manchester United waxaa maamula qoyska Glazer ee Maraykanka, islamarkaana weli kama jawaabin arrinta ku saabsan iibsiga naadigan.

Manchester United waa mid ka mid ah naadiyada kubbadda cagta ee ugu taageerada badan adduunka, waxaan ay 20 jeer ku guulaysteen horyaalka England.

Sidoo kale, waxay saddex jeer ku guulaysteen koobka kooxaha qaramada yurub oo ah tartanka ugu qiimaha badan ee naadiyada adduunka.

PUNTLAND POST

The post Ninka ugu taajirsan Adduunka oo sheegay in uu iibsanayo naadiga Manchester United appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this