Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shir weynaha horumarinta caafimaadka Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
2-6.jpg?resize=720%2C351&ssl=1

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir weyne looga hadlayay horumarinta Caafimaadka Afrika .

Shirkan waxa soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika.

Hay’adda Africa CDCayaa ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika dedaallada ay ku aqoonsanayaan, ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada.

Shirkan ayay xubnaha gudiyada ka kala socday wadamo kala duwan oo Afrika ah kaga hadleen guud ahaan arrimaha caafimadka gaar ahaanna waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qayb gashay shir weynaha horumarinta caafimaadka Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this