Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Kulan La Yeesheen Wefdi Ka Socda Dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka warramay ujeedada kulan ay maanta la yeesheen Wefdi ka socda dalka Maraykanka

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

“Maanta waxaannu la kulannay Wefdi Maraykanka ka socda oo maalmahanba Dalka joogay, kuwaas oo ah saaxiibbada Somaliland.

Waannu soo dhaweynnay wefdiga, waannu na uga mahadnaqnay dedaalka ay ugu jiraan aqoonsiga Somalialnd. Waxa aannu kala hadalnay si guud danaha Somaliland, si gaar ah sadexda qodob ee kala ah:

  1. Xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee wakhtigan Somaliland ka taagan iyo dhibtii ku dhacday dadkii shicibka ahaa ee bannaanbaxa nabadgelyo samaynayay.

2. Aqoonsiga Somaliland, oo ah qadiyad ummadadeed, kaas oo dadka Somaliland ku midaysan yihiin, mana khusayso siyaasadda gudaha ee aannu ku qaybsannahay.

3. Mar walba Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in khilaafka jira laga gaadho xal siyaasadeed oo wadahadal- dhexdhexaadin ku yimaadda, kaas oo Xisbigu muhiimad siinayo xal kasta oo ay hor kacayaan dadkayagu.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this