Sign in to follow this  
Deeq A.

Wuxu daraa Kulan Hogaanka Xisbiga Ucid la yeeshay & Saraakiil Maraykana

Recommended Posts

Deeq A.   

Wuxu daraa Kulan Hogaanka Xisbiga Ucid la yeeshay & Saraakiil Maraykana

ucid.jpg
Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xisbiga, ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Hargaysa.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay, xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo Muranka siyaasiga ah ee taagan.
Kulankan waxaa gudoomiyaha ku wehelinayay, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ismaaciil Maxamed Jaamac, Af-hayeenka xisbiga UCID Maxamed Axmed Bilaal iyo Aamin Cilmi Fariid oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga UCID.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this