Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogtay mas’uuliyiin ka tirsan Liberia oo ku eedaysan musuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda Maaliyadda dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saddex mas’uul oo ka tirsan Liberia.

Mas’uuliyiintas oo uu ku jiro agaasimaha xafiiska madaxweyne George Weah ayaa ku eedaysan musuq maasuq sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka.

Sidoo kale waxa kamid ah Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Liberia Sayma Cephus iyo iyo Bill Twehway oo ah agaasimaha maamulka ee hay’adda maamusha dekedaha dalkaas.

“Musuqmaasuqa ay sameeyeen saraakiishani wuxuu wiiqayaa hannaanka dimoqraadiyadda ee Liberia” ayaa laga soo xigtay Brian Nelson oo ah kaaliye ka tirsan waaxda maaliyadda ee Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogtay mas’uuliyiin ka tirsan Liberia oo ku eedaysan musuq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this