Deeq A. Posted August 16, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al-cusmaani oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal. Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xamza uga mahad-celiyey dowladda Imaaraadka Carabta taageerida dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal. Sidoo kale safiirka dowladda Imaaraadka, Maxamed Al-cusmaani ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey soo dhawaynta qiimaha badan. Safiirka ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida; gurmadka abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shantii sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah la laheyn dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf dhex-maray dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse xiriirkii xumaaday ayaa waxa uu dib u hagaagay tan iyo markii uu tallada dalka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh. The post Ujeedka kulanka Xamza iyo safiirka Imaaraadka + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites