Deeq A. Posted August 15, 2022 Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday 9-kii August 2022, waxaa sidaas ku dhowaaqay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada iyo Xuduudaha (IEBC) Ruto ayaa si dirqi ah kaga adkaaday ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, oo markii shanaad ku guuldarreystay doorasho madaxweyne oo uu u tartamay. Natiijada rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa muujisay in Ruto uu helay boqolkiiba 50.49 codadkii la tiray oo u dhiganta 7,176 141 cod, halka Odinga uu ka helay boqolkiiba 48.85 oo u dhiganta 6,942, 930 cod. Odinga ayaa sanadkan haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta, oo sanado badan uu xifaaltan siyaasadeed kala dhaxeeyey, balse sida muuqata taasi waxba uma terin. Madaxweyne Kenyatta, oo qaatay labadiisii muddo xileed ee dastuurku ku xaddiday, ayey isku dhaceen Ruto kadib doorashadii 2017, wuxuuna markaas kadib isbaheysi la sameystay Odinga. Ruto ayaa hoggaamiya isbaheysiga Kwanza, halka Odinga uu hoggaamiyo isbaheysiga Azimio La Umoja, oo uu ku jiro xisbiga Kenyatta ee Jubilee. The post DEG DEG: Madaxweynaha cusub ee Kenya oo lagu dhowaaqay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites