Deeq A. Posted August 15, 2022 Sawiro muujinaya xirnaashaha Madbacadda (PP) Madbacadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ahayd waax wasaaradda u qaabilsan howlaha daabacaadda ayaa afartii (4) sano ee la soo dhaafay howlgab ahayd. Madbacadda ayaa howlgab u noqotay dayactir la’aan iyo shaqaalihii oo dhaqaale waayay sanadihii ugu dambeeayay, sida ay ogaadeen baarayaal ka tirsan Puntland Post. Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo xiligii uu wasiirka ahaa la hirgeliyay ayaa sheegay in Madbacadda uu maalgeliyay Midowga Yurub, markii ugu dambaysayna ahayd waax muhiim ah oo shaqaale carbisan leh, wax soo saar dhaqaalena samaysa. Juxa oo arrintan uga hadlay qaraal uu ku daabacay bartiisa gaar ah ee Facebook, waxa uuu soo jeediyay in howgeliyo Madbacadda, si xal kama dambeys ah loogu helo qiimaha kacsan ee buugaagta ardayda Puntland, loogana maarmo in daabacaadda buugta qandaraas lagu bixiyo oo faa-iido laga raadiyo. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa qandaraaska daabacaadda buugaagta manhajka cusub siisay Madbacad gaar loo leeyahay, kaddibna qiimaha buugaagta ka dhigtay $55 doolar, taas oo sababtay cabasho xooggan oo ka timid shacabka oo awalba la daalaadhacayay sicir-barar iyo dhaqaale la’aan. Cabashada shacabka kaddib, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmo ka hor hakiyay iibka buugaagta, waxaana maanta qoraal ka soo baxay Madaxtooyada lagu sheegay in qiimaha iibka buugaagta laga dhigay $33 doolar, taas oo ka dhigan in calaa buug uu ku fadhiyo $3 doollar Puntland Post, waxay weli wadaa baaritaan ku aadan qaabka loo bixiyay qandaraaska daabacaadda buugaagta iyo shirkadda la siiyay. PUNTLAND POST The post Madbacadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo xirantay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites