Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergo Cusub Oo Dhex-dhexaadin Ka Dhex Bilowday Madaxweyne Biixi Iyo Xisbiyadda Mucaaridka Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madax dhaqameed iyo ganacsato is xil qaamay oo mar labaad dhex-dhexaadin cusub ka dhex bilaabay madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyadda mucaaridka ah.

Ergadan dhex-dhexaadinta ayaa ah laba qeybood oo si gaar ah isku kala abaabulay.

Dhinac ka mid ah ergadu waa madax-dhaqameed.

Dhinaca labada ee ergada ayaa ah wax-garadka iyo ganacsada beesha Isaxaaq, waxaana labadan dhinac ay si gaar gaar ah shalay ula kulmeen wasiirka arrimaha gudaha.

Waxa ay ka dalbadeen wasiirka in uu soo qabto kulan deg deg oo ay la yeeshan Madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaana ergadu ay jawaab ka sugeysaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this