Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab sarreen ka qaaday dalka Ukraine oo la filayo in uu gaaro waddanka Djibouti

Recommended Posts

Deeq A.   
09680000-0a00-0242-ba3d-08da757a26b5_w10

Markab u kiraysan Qaramada Midoobay oo sida in ka badan 23,000 oo metric ton oo sarreen ah ayaa ka soo ambabaxay dekedda Yuzhne ee dalka Ukraine.

Markabkaas ayaa ku sii jeeda dalka Djibouti, taasoo ah shixnaddii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu caawinayo dalalka ay cunto yaraantu ka jirto, oo ka dhoofa dekedaha dalka Ukraine tan iyo bishii February ee sannadkan.

Markabkan ayaa la filayaa inuu ku xirto dekedda dalka Djibouti, halkaas oo lagaga dejin doono sarreenka iyo sahayda kale ee uu sido, iyada oo loo wareejin doono dalka Ethiopia, iyada oo la raacayo tilmaamaha hay’adda cuntada dunida ee WFP.

Dalalka Ukraine iyo Ruushka ayaa heshiis ku gaaray dalka Turkiga bishii July 22-keedii, si dib loogu bilaabo in sarreenka, haruurka iyo gallayda laga dhoofiyo dekedaha Ukraine ee ku yaalla badda madow.

PUNTLAND POST

The post Markab sarreen ka qaaday dalka Ukraine oo la filayo in uu gaaro waddanka Djibouti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this