Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergeyga Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya dhambaal gaarsiiyay Ururka Iskaashiga Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-10.jpg?resize=1000%2C668&ssl=1

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday MadaxweyneXasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Md. Xuseen Ibraahim Dhaaha.

Kulanka labada mudane oo ka dhacay xarunta Ururka (OIC) ee ku taalla magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudiga, ayuu ergaygu uga warbixiyey Xoghayaha Guud inta uu la egyahay xaddiga abaaraha ba’an ee ka jira xilligaan Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamku ayaa dhankiisa muujiyey walaaca ay ka qabaan saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka go’an tahay dhaqan galinta qaraarkii ka soo baxay Kalfadhigii Afartan iyo Siddeedaad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee (OIC) ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Islamabad ee ahaa garab istaagga Soomaaliya.

Ergayga iyo Xoghaya ayaa isla gartay talaabooyin lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, sarana loogu qaadayo wacyi ku aadan xaalada abaarta ka taagan Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ergeyga Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya dhambaal gaarsiiyay Ururka Iskaashiga Islaamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this