Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in Galmudug u baahan tahay xasilooni siyaasadeed iyo mid amni

Recommended Posts

Deeq A.   
galmudug-saxxxxxxxxxxxx.jpg?resize=1000%

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in dadka Reer Galmudug ay u baahan yihiin xasooni siyaasadeed iyo mid amni

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in dal walba ama degaan kasta markii la doonayo in la maalgashado laga fiiriyo xasiloonidiisa siyaasadeed iyo xaaladdiisa amni.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka looga baahanyahay in ay noqdaan kuwa u hoggaansan sharciga si Galmudug ay u noqoto meel lagu kalsoon yahay islamarkaan samaysa horumar fiican.

Dhinaca kale Qoor Qoor  ayaa ku baaqay in loo gurmado shacabka ku dhaqan degaannada Galmudug ee ay abaartu saamaysay.

Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad xalay lagu qabtay magaalada Cadaado oo  lagu xusayay sannad-guuradii 16-aad ee ka soo wareegtay as’aaskii Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in Galmudug u baahan tahay xasilooni siyaasadeed iyo mid amni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this