Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba arrin oo Xamza uu ka sheegy kulankii ay beesha Mudulood qabteen + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhaweenayay xukuumadda cusub oo ay soo qaban-qaabisay beesha Mudulood ayaa ka hadlay Abaaraha iyo Amniga guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu horeyntii qiray in amniga halkii la rabay uusan gaarsiisaneen xiligaan la joogo, isagoo tilmaamay muhiimadda uu amniga u leeyahay bulshada.

“Intaan oo dhan haddii aan dhaho xagee dagan tihiin? jidka wadnaha wixii xaggaa ka ah in yar baa laga yaabaa inay gacanta taagato. Ummad dhan ma waxa ay dowlad ku noqotay Maka Al-mukaram, hadda garoonkii baa la dhex-galay oo waxa aan ka cabsanayaa in Hoteelo aan ka dhisanno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in amniga la’aantiisa aan waxba la qaban karin, maadama Mashruucyada dalka laga fulinayo ay qaarkooda u joogsadeen amni xumo, isaga oo tusaale u soo qaatay dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad oo u joogsaday Amni xumo.

“Illaa la gaaro in ay Gabdhaha Soomaaliyeed cadawga guryahooda ka saaraan, nabad la heli maayo. Cadowga xaqiiqiga ah guryaha ayuu ku jira ee guryaha ka soo saara,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo baaq u direy haweenka.

Xamza ayaa uga mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho sida ay isaga qabteen Ciyaal Weerada oo caasimadda ka sii dabar go’aya, isaga oo ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay abaarha ka jira dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay marka hore inay toobad keenaan, si uu Alle ugu dul qaado Abaarta ka jirta guud ahaan dalka.

“Illaahey waxa uu innoo sheegaya haddii aan toobad keenno, in Abaartu ay harreyso uu Roob imaanayo oo la dhergayo lana Barwaaqoobayo, sidaas darteed wuxu ma adka ee waa wax toobad ku xiran, marka aan toobad keenno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka loogu jiro u gurmashada dadka ay Abaartu saameysay, kuwaas oo lagu qiyaasay in ay gaarayaan hal miyan oo qof.

“Halka milyan waan quudin karnaa, uma baahna in ay gacmo dadka kale hororsadaan aan u gurmanno, oo waxa aan heesano aan wax ka siinno. Waa in Dhalinyarrada iyo Haweenka Soomaaliyeed ay qeyb ka qaataan dadaalka loogu jiro gurmadka Abaaraha.”

Ugu dambeyntiina wuxuu farriin u diray Qurbajoogta Soomaaliyeed oo uu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka, isaga oo sheegay in Qurbajoogta ay caado u lahaayeen u gurmashada dadkooda Soomaaliyeed ee ku nool dalka.

The post Laba arrin oo Xamza uu ka sheegy kulankii ay beesha Mudulood qabteen + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this