Sign in to follow this  
Deeq A.

Marxuum Gen. Baduugaaye oo aas qaran loogu sameeyay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay aas qaran oo Garoowe loogu sameeyay Xildhibaan hore Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud.

Aaska qaran waxaa Madaxweynaha Puntland kala qeybgalay, guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashid Yuusuf Jibriil, guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame, goleyaasha dowladda, saraakiisha ciidamada, ehelka marxuumka, culimada iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga tacsiyadeyey bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud, si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud oo loo garan-ogaa Baduugaaye wuxuu xilal kasoo qabtay dowladihii soo maray Puntland, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, isagoo soo noqday taliyaha ciidanka booliska, wasiir ku-xigeenka amniga iyo xildhibaan.

FB_IMG_16604862251313620.jpg?resize=720% FB_IMG_16604861312029176.jpg?resize=720% FB_IMG_16604861429919466.jpg?resize=720% FB_IMG_16604861656085148.jpg?resize=720% FB_IMG_16604862077444284.jpg?resize=720% FB_IMG_16604861885268201.jpg?resize=720% FB_IMG_16604861956771295.jpg?resize=720% FB_IMG_16604862036374948.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Marxuum Gen. Baduugaaye oo aas qaran loogu sameeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this