Deeq A. Posted August 14, 2022 Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay nin tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Dabley hubaysan ayaa sida wararku sheegayaan waxay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku toogteen marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo ka tirsanaa waaxda Canshuuraha wasaaradda Maaliyadda Puntland Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in marxuumka la toogtay xilli uu ka soo baxay salaadda Cishe masjid lagu magacaabo Salaaxu-diin oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo. Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga ayaa noo xaqiijiyay in aysan jirin weli cid loo qabtay dhacdadaas. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites