Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan hore Baduugaaye oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16604266464219100.jpg?resize=715%Marxuum, Baduugaaye

Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey (Baduugaaye) oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland ayaa goordhaweyd ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Geerida Gen. Baduugaaye waxaa Puntland Post u xaqiijiyay qaar ka mid ah eheliisa, oo sheegay in uu u geeriyooday xanuun uu dareemayay maalmihii la soo dhaafay.

Marxuum, Cabdicasiis Siciid Gacamey wuxuu ka mid ahaa 8-dii xildhibaan ee baarlamaanka Puntland hadda jira laga saaray, kaddib markii ay mooshin ka keeneen heshiiska dekedda Boosaaso.

Dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ayuu ka soo noqday wasiir ku-xigeenka amniga, halka uu dowladdii Gen. Cadde Muuse ka soo qabtay taliyaha booliska iyo xilal kale.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan hore Baduugaaye oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this