Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Gaalkacyo Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in dambley hubeysan ay ku dileen mas’uul ka tirsan, wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Puntland.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, wararka ayaa intaas ku daraya in kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxday, kadib markii falku geysteen.

Ciidanka ammaanka Puntland oo goobta dilku ka dhacay gaaray ayaa sameeyay baaritaanno ku aadan, walow ilaa iyo hadda aan la sheegin cid loo soo qabtay mas’uulka lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this