Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xafiiska Xamza oo la wareegay deeq ay isku qabsadeen laba wasaarad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si rasmi ah ula wareegay deeq raashin oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta oo muddo 7 berri ah ku xayirneyd dekadda Muqdisho kadib markii la isku qabsaday ciddii maamuli laheyd.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xamza ayaa lagu sheegay inay deeqdaas la wareegaan wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale.

Deeqda oo ka kooban 40 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa isku qasbaday la wareegista iyo maamulka gargaarka, waxayna taas ugu dambeyn keentay inuu soo farageliyo xafiiska ra’isuwasaare Xamza Cabdi Barre.

Arrintan ayaa waxaa horey ugu shaqo laheyd wasaaradda Maareykanka musiibooyinka oo hadda la baabi’iyey, waxaana caddeyn cidda la wareegtay shaqadeeda.

Wasaaradda Degaanka iyo Isbadedlka Cimilada ayaa ah Wasaarad cusub oo ka looban laamo laga soo gooyey Wasaaraddii Maareynta Musiibooyinka iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraaha.

Soomaaliya waxaa ka jirta abaar laba sano jirsatay oo aan horey loo arag in ka badan 40 sano. Dad gaaraya hal milyan oo qof ayaa ku barakacay, iyadoo abaaruhu ay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.
299530015_413171150912037_79279469266913 299400961_413171504245335_87057750214946 299088966_413171510912001_58293295875873 299436295_413186710910481_67615343493499 299305308_413171507578668_86473459450998

The post Sawirro: Xafiiska Xamza oo la wareegay deeq ay isku qabsadeen laba wasaarad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this