Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Natiijada Doorashada Kenya, Yaa Hoggaaminaya Illaa Hadda La Codadka La Tiriyay?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Hoggaamiyaha mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa ku horreeya tartanka madaxtinimada dalkaasi, sida ay muujineyso natiijada rasmiga ah ee codadka ilaa hadda la tiriyay, waxaana uu madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto ku jiraa kaalinta labaad.

Iyadoo la tiriyay wax xoogaa ka badan 26%(26 boqolkiiba), Odinga ayaa haysta 54% codadka la tiriyay halka Ruto uu haysto 45%, sida ay tilmaameyso natiijada ay Sabtida maanta ah soo gudbiyeen guddiga doorashada Kenya taasi oo lagu muujiyay shaashadaha waaweyn ee caasimadda Nairobi.

Dalka ugu qanisan uguna xasilloon Bariga Africa ayaa salaasadii qabtay doorashada madaxweynaha, tan baarlamaanka iyo tan dowladaha hoose.

Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jira sidii ay ku noqon lahaayeen madaxweynaha beddelaya Uhuru Kenyatta, oo aan xilkan u tartami karin maadaama uu labadiisii muddo xileed dhammeystay. Kenyatta oo ay isqabteen Ruto ka dib doorashadii u danbeysay ayaa hadda taageeraya Odinga.

Tirinta codadka rasmiga ah ayaa si gaabis ah u socota, taasi oo sii xoojineysa walaac dadweyne.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa eedeyn u jeediyay wakiillada xisbiyada, kuwaasi oo loo oggol yahay in ay hubiyaan natiijada ka hor inta aan lagu darin tirada guud ee codadka la tiriyay.

“Wakiilladu lama socon karaan habka aan howsha u wadno” ayuu yiri Chebukatti.

“Ma u wadno shaqada sidii aan u rabnay. Howshani waxa ay u baahan tahay in loo soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan.”

Wakiillada isbahaysiyada Odinga iyo Ruto ayaan ka jawaabin codsi ah in ay ka hadlaan hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha guddiga doorashada.

REUTERS

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this