Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Mareexaanow Mas’uuliyadda aad hayso ha kaa muuqato oo naxliga Hargeysa ka daa oo Burco naxliga ka daa oo Somaliland naxliga ka daa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Mareexaanow Mas’uuliyadda aad hayso ha kaa muuqato oo naxliga Hargeysa ka daa oo Burco naxliga ka daa oo Somaliland naxliga ka daa.

mareexaan.jpg
Xildhibaankii hore Cali Marreexaan waa siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee aaminsan in uu ku macaashi karo isku dirka beelaha Somaliland, Markii uu ogaaday in isku dirkii Burco soo xidhmay ayaa uu bilaabay inuu dadka reer Hargeysa oo aan waligood xaafad xaafad isu kala gurin inuu fitno soo dhex dhigo, waa halka ugu hooseysa ee Siyaasadda marka aad doonta in aad isnaca bulshada ka shaqeyso aad abaareyso.
Caliyow reer Hargeysa waa walaalo, waligoodna walaalo ayay ahaanayaan reer Burcana walaaloobe ee buugta Siyaasadda akhri oo fikrad kale keen, waxaa is hayaa xaafado maaha waa Xisbiyo Qaran iyo Xukumaddii, arrimaha la isku hayaana waa arrimo siyaasi ah oo masiiri ah, Mas’uuliyadda aad hayso ha kaa muuqato oo naxliga Hargeysa ka daa oo Burco naxliga ka daa oo Somaliland naxliga ka daa.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this