Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo joojiyay iibinta buugta dugsiyada sare Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.

Madaxweyne Deni ayaa faray mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, ayaa lagu iibinayay qiimo dhan $55, taas oo ay cabasho xoogga ka muujiyeen shacabku.

Waxayna ku soo beegmatay xilli abaar daran ka jirto Puntland taas oo sababtay in ay waxbarashada ka haraan in ka badan lix kun oo carruur ah islamarkaana xirmeen ilaa 19 iskuul sida ay sheegtay wasaaradda Waxbarashada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo joojiyay iibinta buugta dugsiyada sare Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this