Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar ka mid ahaa aasaasayaasha Ururka Barwaaqo ee Dr.Gaboose oo ka baxay Ururkaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar ka mid ahaa aasaasayaasha Ururka Barwaaqo ee Dr.Gaboose oo ka baxay Ururkaa

gaboose.jpg
Afar ka mid ahaa aasaasayaasha Urur-siyaasaddeedka Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa la sheegay in ay ka baxeen Ururkaasi, ka dib markii khilaaf dhinaca qaab-dhismeedka uu ka dhex qarxay.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ururka Barwaaqo oo arrintaasi ku saabsan, hase yeeshee sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ahi afartan xubnood, ayaa la sheegay in ay Guddida diiwaan gelinta u gudbiyeen in laga saaro magacyadooda xubnaha aasaasayaasha Urur siyaasaddeedka Barwaaqo ee loo gudbiyey guddidaasi
Wararku waxa ay intaasi ku dareen In afartan xubnood oo kala ahaa Jamaal Cali Xuseen oo markii la gudbinayey Foomka qaab dhismeedka lagu sheegay inuu yahay Guddoomiye kuxigeenka Kowaad Ururka Barwaaqo, Siciid Cilmi Rooble oo ahaa aasaasayaasha Ururka Barwaaqo, Muxumed aw Axmed oo aasaasayaasha ka mid ahaa iyo Axmed Nasiye oo ahaa isaguna aasaasayaasha Ururka Barwaaqo.
Xudunta khilaafkan oo kala dhex galay aasaasayaasha Barwaaqo ayaa la sheegay inuu salka ku hayey markii Ahmed Nasiye oo ahaa aasaasayaasha Barwaaqo uu damacay lagu daro hoggaanka Ururka, gaar ahaan Xoghayaha balse uu Dr. Gaboose u sheegay In aanay suurto gal ahayn, madaama xubin deegaankooda ahi ku jirto hoggaanka, iyada khilaafka keenay in ay ka baxaan Barwaaqo uu halkaas ka dhashay.
Guddida Diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda ayaa ku wargeliyey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose In xubno aasaasayaasha Ururkiisa ah soo gudbiyeen warqad ay kaga laba ayaan ka mid noqoshada aasaasayaasha Ururkaasi.
Xubnahan aasaasayaasha Ururka Barwaaqo ahaa ayaa ka soo jeeda Berbera iyo Gebilay.
Saleebaan Saxansaxo
299289752_168455892418958_74480807848270
298889478_168455939085620_37830946139753
299294003_168455909085623_10060738429591
298804342_168456945752186_59844421045180

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this