Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraagii ku caan-baxay Islaam Necaybka ee Salman Rushdie oo lagu dhaawacay Magaalada New York

Recommended Posts

Deeq A.   

Salman Rushdie, oo ah qoraa u dhashay dalka Hindiya, isla markaana ka dambeeyay daabacaadda buug lagu aflagaadeynayay Islaamka ayaa lagu dhaawacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Booliisku ayaa xaqiijiyay in Rushdie uu dhaawac halis ah ka soo gaaray qoorta iyo caloosha,kadib markii nin dhallinyaro ah uu ku weeraray middi, xilli uu khudbad ka jeedinaayey masrax ku yaalla Koonfur-galbeed Magaalada New York.

Booliska ayaa caddeeyay in la hayo eedeysanihii ka dambeeyay weerarkaasi oo magaciisa lagu sheegay Hadi Matar kas oo 24 jir ah kana yimid Gobolka New Jersey.

Andrew Wylie, oo ah wakiilkiisa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Salmaan ay u badan tahay in uu waayi doono hal il,kadib kolkii uu go’ay xididka neerfaha.

PUNTLAND POST

The post Qoraagii ku caan-baxay Islaam Necaybka ee Salman Rushdie oo lagu dhaawacay Magaalada New York appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this