Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq nabadeed ka soo saaray rabshadihii ka dhacay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku saabsan rabshadihii ka dhacay Somaliland.

 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyay madaxda Somaliland in ay soo celiyaan dhaqankii lagu yaqaanay ee ahaa in ay si iskood ah u xalliyaan tabashooyinka dhex yimaadda.

Somaliland iyagaa Amuurohooda xallista, iyagaa keligood meel fariistay, iyagaa ku heshiiyey, iyagaa ku dhaqmay, iyagaa ku bullaalay ayaan dhahnaa, waa tusaale ka suuragala Soomaalida oo dhan, inay sidaas yeelaan ayaan dhahnaa”  ayuu Xasan Sheekh.

Madaxweynaha  ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland in ay si nabad ah u xalliyaan khilaafka siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan, oo ay ka hortagaan in ay u baahdaan in cid debedda ah soo farogeliso.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq nabadeed ka soo saaray rabshadihii ka dhacay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this