Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Yihiin Waxyaabaha Sirta Ah Ay FBI-da Kasoo Saartay Guriga Trump?

Recommended Posts

Deeq A.   

FBI-da Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay dokumentiyo sir ah kadib markii ay baadhitaan ku sameeyeen guri uu lahaa madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo ku yaalla gobolka Florida todobaadkan, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday waaxda dambi baadhista Mareykanka.

Ciidamo ka tirsan waaxda dambi baadhista ayaa guriga Trump kasoo saaray 11 dokumenti oo ku calamadeysnaa “TS/SCI”, waxay ku tilmaameen in dokumentiyadan ay horseedi karaan ‘dhaawac soo gaadha’ amniga qaranka Mareykanka.

Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah uu sameeyay, wuxuu sheegay in dhammaan dukumeentiyada la caddeeyay isla markaana la geliyay kayd ammaan ah.

Waa markii horreysay oo dambi baadhis lagu saameeyo guriga Madaxweyne hore oo Amerikaan ah.

Waxaa Jimcihii la shaaciyay liiska waxyaabaha laga soo saaray guriga Trump kadib markii garsooraha uu daaha ka rogay dukumeenti ka kooban toddobo bog oo ay ku jirto warqadda u oggolaaneyso  in la baadho guriga Mr Trump ee ku yaalla Palm Beach, Mar-a-Lago.

FBI-da waxay sheegtay in ka badan 20 sanduuq oo ay ka buuxaan walxo kala duwan laga soo qaaday guriga Isniintii, oo ay ku jiraan sawirro, dokumentiyo gacanta lagu qoray, macluumaad aan la cayimin oo ku saabsan “Madaxweynaha Faransiiska” iyo cafis ah oo lagu qoray magaca Roger Stone oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen Trump.

Sidoo kale guriga Trump waxaa laga soo helay faylal sir ah oo xooggan,  kaydka waxaa ku jiray dokumentiyo saddex qaybood ah iyo walxo saddex qaybood oo ” qarsoodi ah”.

Warqadda baadhitaanka ah waxay muujineysaa in wakiilada FBI-du ay eegayeen jebinta suurtagalka ah ee Xeerka Basaasnimada, kaas oo ka dhigaya in sharci-darro ay tahay in la keydiyo ama la gudbiyo macluumaadka ammaanka qaranka ee halista ah.

Wuxuu sharciga mamnuucaya in dokumentiyo laga soo saaro guriga ama in la shaaciyo waxyabaha sirta ah, Waxaa sare sii xogeystay tallaabooyinka ka dhanka ah Trump markii uu xilka hayay, haatana wuxuu waajahi karaa shan sano oo xadhig ah.

FBI-da waxay sheegtay in meelaha laga soo saaray dokumentiyada ay kamid yihiin xafiis lagu magaacabo “45 office” iyo qolalka wax lagu keydiyo ee guriga Trump.

Waxa kale uu muujinayaa in baadhitaanka FBI-du uu qayb ahaan ku salaysnaa tuhunka ku saabsan in la jebiyay Xeerka Basaasnimada Maraykanka, ee la xidhiidha haynta sharci-darrada ah ee waxyaabaha xasaasiga ah ee qaranka.

Arbacadii ayay aheyd markii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu sheegay in gurigiisa oo ku yaalla gobolka Florida ay soo weerareen ciidammada FBI-da.

Bayaan kasoo baxay Trump wuxuu ku sheegay in gurigiisa, Mar-a-Lago ay u dhaceen ciidamado badan oo ka tirsan FBI-da Mareykanka.

“Wax sidan oo kale ah waligii lagu sameyn Madaxweyne hore oo Mareykan ah” ayuu yidhi Trump.

Mr Trump, markii loo dhacayay gurigiis Mar-A-Lago ma joogin goobta.

Waxaa uu weerarka ku tilmaamay mid ay soo qaadeen xisbiga Dimuqraadiyiinta mayalka adag ee garabka bidix.

Wiilka Mr Trump, Eric, ayaa sheegay in baadhitaanka la xidhiidha dokumentiyo kujiray sanduuqyo oo Washington laga soo qaaday markii Mr Trump uu xafiiska ka tagay sannadkii hore.

Waaxda cadaaladda ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho howlgalka.

Bishii February Maamulka Kaydka iyo Kaydka Qaranka ayaa sheegay in ay ka soo saareen Mar-A-Lago shan iyo toban sanduuq oo alaab ah, oo la sheegay in ay ku jiraan waxyaabo sir ah, waxayna u gudbiyeen arrinta Waaxda Caddaaladda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this