Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal dhexmaray Soomaalida & Canfarta & khasaaro ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cundhufo (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaaa kasoo baxaya weerar ay maleeshiyaad iyo ciidamo ka tirsan maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya ay kusoo qaadeen Shacab Somaali ah oo degan Galbeedka Gobolka Siti gaar ahaan Magaalada Cundhufo.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda Online, dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray maleeshiyaadka Canfarta oo kamid ah qowmiyadaha Itoobiya iyo dadka degaannada ay weerareen oo hubka u qaatay inay iska difaacaan.

Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 10 qof oo isugu jiray kooxihii dagaalamay iyo dad shacab ah, waxaana la xaqiijiyey inuu dhaawaca intaas ka badan yahay.

Maleeshiyada Canfarta ayaa gubay guryo ay deganaayeen dad Shacab ah taasoo sababtay in dad badan kusoo biireen dagaalka si la isaga celiyo maleeshiyada dagaalka gardarada ah kusoo qaaday shacabka Soomaalida ah.

Dagaalka ayaa markii dambe waxaa kusoo biiray ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo maleesgoyaadks canfarta ka saaray goobihii ay soo weerareen.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay hadda xaaladda tahay mid dagan, waxaana la xaqiijiyey in khasaaro xoog leh la gaarsiiyey maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal dhexmaray Soomaalida & Canfarta & khasaaro ka dhashay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this