Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab ka da’ay dalka Yemen oo ay ku dhinteen in ka badan 38

Recommended Posts

Deeq A.   
1-7.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Roobab dabaylo wata oo ka da’ay Koonfurta Galbeed ee waddanka Yemen iyo caasimadda Sanca ayaa keenay daadad xooggan oo sababay khasaare kala duwan.

Wararku waxay sheegayaan in khasaaraha ka dhashay Roobabkaas ay sababeen dhimashada in ka badan 38 qof.

Mas’uuliyiinta Yemen ayaa sidoo kale laga soo xigtay in gurya badan oo ku yaallay caasimadda Sanca iyo degaanno kale ay gebi ahaanba burbureen.

Degaannada khasaaraha ugu badan ka dhacay waxaa gacanta ku haya fallaagada Xuutiyiinta Yemen oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Yemen ee Caalamku aqoonsanyahay.

PUNTLAND POST

The post Roobab ka da’ay dalka Yemen oo ay ku dhinteen in ka badan 38 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this