Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobow iyo siyaasiyiin kale oo farriin siyaasadeed culus u diray Laftagareen + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan farriin siyaasadeed xooggan loogu diray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. 

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid hormuudka siyaasadda Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Shariif Xasan, Maxamed Cusmaan Jawaari, Maxamed Aadan Fargeeti, Ilyaas Xasan Cali iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed. 

Hase yeeshee, shakhsiag ka qeyb-galkiisa ay hadla haynta xooggan abuurtay ayaa ahaa wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo dhowaan laga soo daayey xabsi uu ku jiray saddex sano iyo bar kadibna lagu abaal-mariyey xil wasiir. 

Shirkan ayaa ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Siyaasiyiintan Koonfur Galbeed iyo kii ugu horreeyey ee uu ka qeyb-galo Sheekh Mukhtar Roobow oo xirnaa shirkoodii hore oo looga dhowaaqay isbaheysi ka dhan ah Laftagareen.

Shirka ayaa lagu sheegay munaasabad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey Roobow, hase yeeshee Caasimada Online ayaa fahamsan in kulanka uu ahaa mid farriin iyo cudud siyaasadeed loogu dirayo Laftagareen kahor doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed. 

Doorashada ayaa dhaceysa bisha December, waxaana jira tuhun ah in Laftagareen isku dayi doono inuu xukunka ku dhego ama qabto doorasho ku shubasho ah.

Laftagareen ayaa hadda dareemaya go’doon siyaasadeed ayada oo madaxweyne Farmaajo oo gaystay Baydhaba laga qaaday kursiga Villa Somalia, islamarkaana aysan isku fiicneyn madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in madaxweynaha Koonfur Galbeed isku dayayo inuu isbaheysi la sameystay dowladda Itoobiya oo sidoo kale iyana aan xiriir wanaagsan la laheyn Villa Somalia, si ay ciidankeeda ugu hayaan Baydhaba. 

Laftagareen ayaa toddobaadkan kasoo laabtay Itoobiya oo uu sheegay inuu kusoo yeeshay shir ku saabsan amniga kadib markii Al-Shabaab ay Itoobiya ka weerareen xuduudda gobolka Bakool, balse waxaa la rumeysan yahay in kulamadaas ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen arrimo siyaasadeed.
298826530_568641931722619_81099453924220 298989088_568641688389310_31095768086905 298921694_568641141722698_50369907253086 298773743_568641195056026_74781841989773 298872003_568641441722668_74429289594046 298992058_568641648389314_64268398041317 298985834_568641795055966_71251347669222 298984386_568641375056008_12595005801613 Roobow-2.jpeg?resize=696%2C392&ssl=1 298935600_568641505055995_51094360525923 299278156_568641825055963_89310230164192

The post Roobow iyo siyaasiyiin kale oo farriin siyaasadeed culus u diray Laftagareen + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this