Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xafiiska Xamza oo shaaciyay ujeedka amarka uu dul dhigay wasiirada cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka bixiyay go’aamo culus oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo la xiriira ilaalinta ‘nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka’.

Go’aamadan ayaa waxa kamid ahaa in wasiirada cusub aysan xil magacaabis sameyn ama aysan kala bedalin masuuliyiinta hey’adaha ay madaxda ka yihiin, illaa inta ay waafajinayaan sharciga oo ay la tashi kala sameynayaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay go’aankan uu yahay in la ilaaliyo sharciga, xuquuqda shaqaalaha iyo u sinaanta shaqada, maadama lagu guda-jiro xili kala guur ah oo wasaaradaha xukuumadda ay yeesheen masuuliyiin cusub.

Inta badan Wasiirada ayaa durtaba marka ay xilka la wareegaan waxaa dhici jirtay inay shaqada ka joojiyaan Mas’uuliyiinta wasaarada, sida Agaasimayaasha, taasi oo ka dhalan jirtay habacsanaan shaqo iyo is qabqabsi hor leh.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda mid uu ku xakameynayo awoodaha Wasiiradiisa inay isbedel si iskood ah iska sameeyaan, iyagoo aan la tashan.

Si kastaba, Amarkaan uu Ra’iisul Wasaaruhu dul dhigay masuuliyiinta dowladda ee wasiirradu ay ugu horeeyaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaan ay xowli u socoto xil wareejinta wasiirradii hore, kuwo cusubna ay xafiisyada la wareegayaan.

Faahfaahin ku saabsan dikreetadii ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane @HamzaAbdiBarre — taasi oo lagu farayay madaxda inay reebban tahay magacaabis iyo shaqo ka joojin saraakiisha darajooyinka sare iyada oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo sharciga shaqaalaha rayidka. pic.twitter.com/SaXnfPuDZW

— SomaliPM (@SomaliPM) August 11, 2022

The post Daawo: Xafiiska Xamza oo shaaciyay ujeedka amarka uu dul dhigay wasiirada cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this