Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo diiday in uu ka jawaabo su’aalo laga weydiiyay Ganacsigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii diiday inuu ka jawaabo su’aalo la xiriira baaritaan madani ah oo lagu sameeyay hab-dhaqannada ganacsi ee qoyskiisa.

Trump wuxuu qaatay mowqif dagaal ah oo ka dhan ah baaritaanka ay waddo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka New York, Letitia James, si loo ogaado inuu qiimeyn ku sameeyay qiimaha hoteelkiisa, xarumihiisa lagu ciyaaro ciyaarta Golf-ka iyo hantida kale ee ma-guurtada ah si uu u helo shuruudo ku habboon amaahda.

Muddo saacado ah oo uu su’aalo weydiinayay mid ka mid ah qareennada James, ayaa Trump wuxuu diiday inuu ka jawaabo in ka badan 400 oo su’aalood, sida ay sheegeen dadka xog-ogaalka u ah dacwadan.

Xeer-ilaaliya gobolka New York , Letitia James ayaa sheegtay in baadigoobka uu helay cadeymo muhiim ah oo muujinaya in Ururka Trump, oo madaxwaynihii hore uu kormeeray, uu wax ka biday qiyamka alaabta.

PUNTLAND POST

The post Donald Trump oo diiday in uu ka jawaabo su’aalo laga weydiiyay Ganacsigiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this