Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee dibad-baxyada S/LAND & INTERNETKA oo la jaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta deegaannada maamulkaasi ay ka billowdeen dibad-baxyo waa weyn oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashooda, kuwaas oo looga soo horjeedo xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa ka socda dhowr magaallo oo ka tirsan Somaliland, waxaana la sheegay inay sii kordhayaan dadka ka qayb-galaya dibad-baxyada.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu ay faraha ka baxday, taas oo keentay in ciidamada ammaanka ay rasaas u adeegsadaan qaar ka mid ah dibad-baxayaasha, taas oo dhalisay khasaare kala duwan, walow aan la caddeyn karin tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Dhaq-dhaqaaqyada ka billowday Somaliland ee ay hormuudka u yihiin mucaaradka ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu wado muddo kororsi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacan, waxaana sidoo kale maamulka Somaliland uu hawada ka saaray khadkii Internet-ka, taas oo keentay inaan xog buuxda lag helin dibad-baxa.

Arrimahaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo ay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii u dambeeyey ee mucaaradka iyo xukuumadda, si xal looga gaaro xiisadda ka taagan Somaliland ee ka dhalatay muranka hareeyey hannaanka doorashada ee maamulkaasi.

Banaan-baxyada ka socda Somaliland ayaa qorshahooda wuxuu soo socday bilihii u dambeeyey, kaas oo haatan sare u sii qaaday xiisadda ka aloolsan Somaliland.

Si kastana, Somaliland ayaa waxaa ka taagan xasarado iska horjeedo, kuwaas oo ka dhashay doorashada maamulkaas oo ay isku khilaafeen mucaaradka iyo xukuumadda.

The post Wararkii ugu dambeeyey ee dibad-baxyada S/LAND & INTERNETKA oo la jaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this