Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaadyo xooggan oo ka bilowday magaalooyin ka tirsan Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muddaharaadyo xooggan ayaa saaka oo Khamiis ah ka bilwoday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo magaalooyin ay ku jiraan Burco iyo Ceerigaabo.

 Muddaharaadyada oo ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa waxa ka horyimid xukuumadda Muuse Biixi islamarkaana sheegtay in ay khatar ku yihiin amniga guud ee Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale amar ku bixisay in la demiyo khadka Internet-ka si aan baraha bulshada iyo saxaafadda looga baahin muddaharaadyada socda.

Wararku waxay sheegayaan in magaalooyinka qaarkood ay jiraan dad ku dhaawacmay muddaharaadyada iyo qaar kale oo la xiray oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka.

PUNTLAND POST

The post Muddaharaadyo xooggan oo ka bilowday magaalooyin ka tirsan Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this