Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Abshir Bukhaari oo la wareegay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif, kadib munaasabad lagu qabtay Villa Somalia.

Wasiir Abshir Bukhaari ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo uga mahad-celiyey masuulkii ka horeeyey shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada, muddadii uu hayey xilkaas.

“Wasiiru-dowlihii hore Xasan Macallin Khaliif ayaa ka codsaday Agaasinka, howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay aqoonta iyo khibradda Wasiir Abshir Bukhaari uu u leeyahay hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay xil wareejintaas.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo goobjoog ahaa munaasabadii xil wareejinta ayaa Wasiir Abshir Bukhaari u rajeeyey in Alle uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda loo igmaday, isagoo soo bandhigay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Masuuliyiintii ka soo qeyb gashay munaasabaddaas uu xilka kula Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Abshir Bukhaari, waxaa ka mid ahaa, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Qaranka, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

298460852_445686077602537_65522210759471 298611018_445685994269212_24535498248026 298678195_445686017602543_68930965317341 Abshir-Bukhaari.jpg?resize=696%2C464&ssl Abshir-Bukhaari.jpga_.jpg?resize=696%2C4 Abshir-Bukhaari.jpga_.jpgaaa.jpg?resize= raiisul-wasaare-ku-xigeenka-saalax-jaama

The post Sawirro: Abshir Bukhaari oo la wareegay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this