Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Gurmadka Abaaraha iyo Suldaanka Dawladda Cumaan oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha Mudane, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaa, Mudane Xasan Sheekh oo ku aadan gurmadka abaaraha maanta gaarsiiye Suldaanka Dawlada Cumaan, Sultan Haytham Bin Dhaariq, kadib safar uu ku tagay dalkaasi.

“Dhanbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Federaal, Mudane Xasan Sheekh oo ku aadan gurmadka abaaraha ayaan maanta gaarsiiye Sultaanka Dawlada Cumaan, Sultan Haytham Bin Dhaariq. Waxaa dhanbaalka iga guddoomay Sayyid Shihab bin Tariq Al Said, oo Raysalwasaare ku xigeenka, ahna wasiirka gaashaandhiga”.ayuu yiri Ergayga.

Ergayga ayaa uga waramay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay dawlada Cumaan gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha, Cumaan waxay ka mid tahay dawladaha ugu badan ee dhoofsada xoolaha Soomaaliya Waxaa kulanka ku wehliyey sii haya safiirka Soomaaliya ee Cumman, Cismaan Axmad Maxamad iyo la taliyaha ergeyga ee arrimaha carabta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this