Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mukhtaar Roobow oo la wareegay xilka wasiirnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib kalsooni siinta Golaha Shacabka ee 7-dii bishaan.

Munaasibada xil-wareejinta oo ka dhacday gudaha Wasaarada ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, xilka ugu kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay.

Sidoo kale waxa ra’iisul wasaaraha xusay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.

Xil-wareejintan ayaa qeyb ka aheyd xil-wareejino dhowr ah oo wasiirada cusub ay kula wareegayaan wasaaradaha loo soo magacaabay, si loo dardar-geliyo shaqada muhiimka ah ee hortaalla.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa 2-dii bishaan si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.
298554263_411122511116901_36409992584076 298588782_411122547783564_20514641235696 298376957_411122641116888_42250788029591 Xamza-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Roobow-1.jpeg?resize=696%2C578&ssl=1 298497978_411122757783543_32968980056730 298502936_411122764450209_26164497401599

The post Sawirro: Mukhtaar Roobow oo la wareegay xilka wasiirnimo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this