Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo bilowday Gurmadka Abaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20220810_142549132.png?resize=720

Waxaa si rasmi ah Magaalada Qardho looga daah-furay Hawlgalka Gurmadka Abaaraha Puntland kaas oo u muhiimadiisu ay tahay bixinta iyo qaybinta gurmad ka kooban biyo, raashin, daawo iyo adeegyo kale, waxaana qorshuhu yahay in hawl-galkaan uu ka bilaabmo guud ahaan deegaanada Puntland, waxa uuna soconayaa wejiga 1aad ilaa dhamaadka bishaan Agoosto.

Sidda qorshuhu yahay in ka badan 2kun oo qoys ayaa maalmahan deeq raashin iyo dawayn isugu jirta la gaarsiinayaa, sidoo kale in ku dhaw 50kun oo qoys ayaa biyo dhaan loo samaynayaa, shaqadaan socota dhaqaalaha ku baxaya xoogeeda waa midii ay dawlada Puntland oo uu hormuud u yahay madaxweyne Deni ay ku deeqday.

Daah-furka waxaa goob-joog ka ahaa wasiiro ka tirsan dawlada Puntland, xubnaha gudigga gurmadka Puntland, Maamulka gobolka karkaar, maamulada degmooyinka gobolka karkaar, hogaanka dhaqanka, qaybaha bulshada iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayn Wasiirka gargaarka Puntland Cabadilaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka qorshayanta Puntland Jamal Carab, Wasiirka biyaha Caarshe Aw-muuse, Wasiir ku xigeenka cadaalada Maxamed Cali Faarax, Sheekh Axmed Yuusuf Dad iyo xubnaha gudigga gurmadka Puntland ayaa sheegay in gurmaadkaan u yahay dhiig-joojin la xariirta xaalada adag ee taagan.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Qaal, Islaan Mahad maxamuud cilmi, nabadoonada iyo qaybaha bulshada Qardho ee daah-furka hawl-galka gurmadka abaraha goob-joog ka aha ayaa uga mahad-celiyay dawlada iyo gudmadka shaqada ay qabteen, waxyna ku baaqeen in laga qayb-qaato u gurmashada shacabka.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo bilowday Gurmadka Abaaraha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this